Fashilin

Fashilin (Whistle-blowing) waa in qof walaac ka muujiyo dhaqan qaldan, falal aan la ogolaan karin ama xun-xun, musuqmaasuq, maamul-xumo ama khiyaano hay’ad dhexdeeda ka dhacaya, iyadoo uusan qofku ka baqayn in dhib ku yimaado, marayana dariiqyo cad oo amaan ah, looguna talagalay shaqaalaha iyo dadka la shaqeeya hay’adda. NIS waxay aad ugu dadaalaysaa heerka ugu sareeya ee daacadnimo, waxayna diyaarisay laba dariiq oo si rasmi ah fashilin loogu samayn karo. Labada dariiq waxay bixinayaan nidaam ay shaqaalaha NIS iyo dadka la shaqeeya hay’addu ay si dhakhso ah ugu sheegi karaan walaacooda, si sahlan oo aan la ogaanayn qofka haddii loo baahdo. Dariiqyadanna waxay qayb muhiim ah ka yahiin nidaamka ay hay’addu uga hortagayso oo ay wax uga qabanayso falalka ama dhaqamada aan haboonayn oo lidka ku ah siyaasadda NIS. Eric Sevrin iyo Christopher Eads, oo ah xubno sare oo la shaqeeya NIS, ayaa noqon doona kuwa kaliya oo helaya warbixinta lagu soo diray dariiqyadan.

Waxaad fashilin ku samayn kartaa labada dariiq ee soo socota:

1. Waxaad si qarsoodi ah walaacaaga ugu dirikartaa adiga oo faahfaahinta walaacaaga ku qoraya foomka hoose. Haddii aad doorato inaadan ku darin magacaaga iyo emaylkaaga, inaan lagu garan waa laguu balan qaaday.

2. Si qarsoodi ah ayaad walaacaaga ugu diri kartaa bokhshad ay ku qoran tahay “strictly private and confidential”, kuna diraya boostada:

Eric Sevrin / Christopher Eads, NIS Senior Partners
PO Box 9025 Grønland
0133 Oslo
Norvège